Madaxweyne xaaskiisi u magacaabey Madaxweyne kuxigeenkiisa kowaad!

FILE - In this Sunday, June 19, 2016 file photo, Azerbaijan's President Ilham Aliyev and his wife Mehriban Aliyeva watch the last minutes of the Formula One Grand Prix of Europe at the Baku Circuit in Baku, Azerbaijan. Aliyev appointed his wife to the post of the ex-Soviet nation's first vice president on Tuesday, Feb. 21, 2017, a new position created after last year's constitutional referendum. (AP Photo/Ivan Sekretarev, File)

Azerbaijan (estvlive) 21/02/2017

Azerbaijan: Keligii taliyaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriba Aliyeva u magacaabey Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee dalka Azerbaijan, sidaas waxaa looga dhawaaqey xafiiska Madaxweynaha, waxaana lagu daabacay website-ka xafiiska.

Dalka Azerbaijan ayaa iska leh laba madaxweyne ku-xigeen oo kala ah kan kowaad iyo kan labaad, kadib marki dhawaan wax laga bedalay dasuurka dalkaas ayaa Madaxweynaha la siiyey awood xad-dhaaf ah.

Qoyska Madaxweynaha Azerbaijan ayaa gacan adag ku haya dalkaas waxaana ay maamulaan dhamaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga gaaska iyo saliida waxaana ay xiriir dhaw la leeyihiin Ruushka.

Ilham Aliyev ayaa Azerbaijan xukumaayey tan iyo sanadkii 2003 markaas oo uu xilka kala wareegay aabihiis Heydar Aliyev.

Dalka Azerbaijan ayaa ku yaala koonfurta Qooqaasiya ee koonfur galbeed qaaradda Aasiya, 1991 ka hor waxa uu ka tirsanaan jirey Midowgii Sofiyeeytiga, tirada dadkiisa ayaa lagu sheegaa in ay ku dhaw yihiin 10 milyan oo ay u badan yihiin Muslimiintu.

Comments are closed