Meydadka 74 qof ayaa laga helay Xeebaha Libya

meyadadkaLibiya (estvlive) 21/02/2017

Libya: Meydadka 74 qof oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen tahriibayaal ayaa laga helay xeebta magaalada al-Zawiya ee galbeedka dalka Libya, sida ay sheegtey hay’adda Bisha Cas.

 

Afhayeen u hadley hay’adda Bisha Cas oo lagu magacaabo Maxamed Al-Mistri ayaa AP u sheegay in meydadka la helay subaxnimadii maanta ee Salaasa ah, iyaga oo baddu soo tuftey, ma cadda ayuu yiri halka doontii ay la socdeen ay ku degtey iyo xiliga ay degtey.

Mistrati ayaa sheegay maamulka magaalada al-Zawiya in ay meydadka u qaadeen Tripoli si la isugu dayo in la aqoonsado meydadkooda.

Soomaali badan ayaa weli ku sugan xeebaha dalka Libya lamana yaqaan in ay kamid yihiin dadka meydkooda la helay iyo in kale.

 

Comments are closed