UN: Malaayin caruur ah oo dhimasho qarka u saaran gaajo darteed

famineSomalia (estvlive) 21/02/2017

In ka badan 1.4 milyan oo caruur ah ayaa khatar ugu jira in ay geeriyoodaan gaajo darteed sanadkan gudhiisa, taas oo ka dhici karta dalalka Soomaaliya, Neyjeeriya, Suudaanta Koonfureed iyo dalka Yaman, sida laga soo xiganayo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF.

 

Dalka Yaman caruurta baahida deg-dega qabta ayaa gaaraya 420 000 halka dalka Najeeriya ay gaarayaan 450 000 oo caruur ah.

Abaaraha iyo haraadka ka taagan Soomaaliya ayaa sababey caruur ka badan 185 000 in ay khatar ugu jiraan macaluul iyo geeri, waxaana dhici karta in tiradu kor u kacdo oo gaarto 270 000 bilaha soo socda sida UNICEF sheegtay.

Dhanka kale hay’adda ayaa ka digtey in macaluul iyo geeri ba’an ay ka dhacdo Suudaanta Koonfureed.

Comments are closed