DAAWO Khudbadihii madaxdii ka qayb-gashey Caleema-saarka Farmaajo ay jeediyeen

IMG_1058Muqdisho (estvlive) 22/02/2017

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Maxamed Cabdillaahi Maxamed ayaa maanta si rasmi ah loogu caleema saarey magaalada Muqdisho. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qaybgalay ergooyin ka socda 124 dal oo caalamka kamid ah iyo 1 200 oo qof oo marti sharaf ah sida ay sheegeen guddiga loo xilsaarey caleema saarka Madaxweynaha.

 

Madaxdii ka soo qaybgashey waxaa kamid ahaa: Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, R/wasaaraha Itoobiya, Madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Wadanka Masar, wafdi ka socda dowladda Kuwayt, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga.

Jadwalka loo dejiyey munaasabadda ayaa muddo kooban ka dib dhacay xiligii loogu alo galay, Raysalwasaaraha Itoobiya oo kamid ahaa dadkii ka hadley xafladda ayaa markii uu khudbadiisa jeediyey wax yar kadib dib ula noqdey diyaaraddii uu la socdey, inkasta oo adaxda kale ee ka soo qaybgashey ay dhamateen jadwalka.

Marti sharaftii ka socotey dalalka aan deriska nahay iyo diblomaasiyiinta ayaa dhamaantood isku raacey in doorashada Soomaaliya iyo sida natiijada loogu qancay ay ahayd mid taariikhi ah Soomaalidguna dhaqan u leedahay tan iyo bilowgii Xornimada.

Ugu horeyn waxaa lagu soo dhaweeyey hadalka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Macheal Keating waxaana uu sheegay dowladda Soomaaliya inay haysasato taageerada Beesha Caalamka oo dhan, shacabkana looga baahanyahay inay la shaqeeyaan, wuxuu Soomaalida ka dalbadey midow si loo dhamaystiro hawlaha yaala, waxaana uu meesha uga dhawaaqey maahmaahdii Soomaaliyeed ee “far keliya fool ma dhaqdo”.

                             Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira oo ahaa qofkii labaad ee ka hadley munaasabadda ayaa sheegay inuu u hambalyeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

“Midowga Afrika Adiga iyo Shacabkaaga ayuu la jiraa Mudane Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Danjire Madeira. Dowladda Soomaaliya ayuu ku tilmaamey in ay qayb-libaax ka qaadatey dhismihii ururka Midowga Afrika ka bilowdey ee OAU sanadkii 1974.

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn

Raysalwasaaraha Itoobiyaha Hailemariam Desalegn ayaa sheegay dhankiisa in dowladda Itoobiya ay aad u taageerayso Soomaaliya isla markaana ay ka caawinayso dhinacyada Ammniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

“Doorashada Soomaaliya ka dhacday waxay tusaalo u tahay wadamada Qilaafaadka uu ka jiro” ayuu sidoo kale yiri R/wasaaraha Wadanka Itoobiya. Raysalwasaaraha ayaan sugin khudbadda Madaxweynaha waxaana la sheegay in uu deg-degsanaa oo waxa uu dib ugu noqdey diyaaraddii uu ku ymid.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata

Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta ayaa ballan qaaday inuu abuurayo xiriir wanaagsan oo derisnimo iyo walaaltinimo ku dhisan oo Kenya ay la yeelato Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha ka dalbadey in uu la yimaado dowlad deganaansho ku dhisan oo daa’inta, isaga oo ballan qaadey in Kenya saaxiibtinimo daa’imeyso si looga adkaado cadowga ina mideeya ayuu yiri.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha Jabuuti ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan si loo gaaro wuxuu haminayo shacabka oo ah in la gaaro Soomaaliya oo wax la qaybsanaysa dunida inteeda kale.

Geele ayaa mar uu toos ula hadley Madaxweyne Farmaajo sheegay in shacabka Soomaaliyeed si gaar ah kuu soo dhaweeyeen, waxaana rajeynayaa in fariinta ay dirayaan aad fahanto oo aad niyad sami uga jawaabto, wuxuu ka dalbadey in uu muujiyo kalsoonida shacabka in uu u qalmo.

Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa dadkii khudbadaha jeediyey. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu Madaxweynaha la shaqeynaayo taasna ay tahay waajib saaran. Xasan Sheekh ayaa ka dalabadey Madaxweynaha cusub in u dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee uu ka tegey halkaasna ka sii anba qaado.

Xafladda ayaa ku soo dhamaatey jawi aad u wanaagsan

Comments are closed