DAAWO USA: Trump oo bilaabaya qorshe cusub oo lagu tarxiilayo dadka aan sharciga haysan – VIDEO

rtupmMareykanka (estvlive) 22/02/2017

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa bilaabaya qorshe cusub oo dalka loga saarayo dadka aan haysan sharciga ee gala denbiyada yaryar xitaa.

 

Sida ku qoran hindisaha cusub ee ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha, maamulku waxa uu bilaabayaa in uu dalka ka masaafuriyo dadka aan haysan sharciyada ee gala denbiyada kuwooda yaryar xitaa, xitaa kuwa sida khaldan u qaata lacagta kaalmada bulshada.

Waxaa dalka Maraykanka gudihiisa ku sugan 11 milyan oo qof oo aan sharci haysan.

Kuwa la masaafurinaayo waa dadka gala denbiyada ee la xukumo, kuwa la tuhunsan ee aan wax xukun ah ku dhicin iyo kuwa dhawaan galay dalka Maraykanka sida uu dhigayo qorshahan cusub.

Maamulkii hore ee Barack Obama ayaa la masaafurinjirey dadka gala denbiyada waaweyn, kuwa khatar ku ah amniga dalka iyo kuwa markaas ka soo talaaba xuduudka.

Ajaanibta galay Maraykanka iyaga oo caruur ah sharcina aan haysan ayaa hindisahan cusub oggolaanayaa in ay joogi karaan, waxaana dadkan loogu yeeraa Dreamers, waana sharci uu sameeyey Madaxweynihii hore.

Dalka Mexico ayaa lagu khasabayaa in ay qaataan muhaajiriinta xuduudkooda ka soo galay Maraykanka laakiin u dhashey dal kale oo sadexaad. Meksiko ayaa ka mudaaharaadey oo diidey in ay dib u qaadato dad aan dalkeeda u dhalan.

Qaybo kamid ah sharcigan cusub ayaan horey laga fulin karin waxaana uu u baahan yahay in Xildhibaanada Kongoresska Maraykanku ansixiyaan.

Sida laga soo xiganayo Wasaaradda Amniga ee Maraykanka waxaa qorshahan cusub dalbanayaa shaqaale cusub in loo qoro hay’addahaSsocdaalka iyo Turubitaariyada kuwaas oo gaaraya 10 000 oo qof iyo 5000 oo qof oo cusub oo loo qoro ilaalada xuduudaha.

Comments are closed