DAAWO RW Cusub Somalia Muxuu Ka Yiri Magacaabistiisi? -VIDEO

xasan_kheyre1Muqdisho (estvlive) 23/02/2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hor inta aanu u safrin dalka Sucuudiga magacaabey Raysalwasaarihiisi, kadib markii malintii shalay la caleema Saarey. Madaxweynaha ayaa magacaabey magac ku cusub siyaasadda Soomaaliya oo ah Xasan Cali Kheyre.

 

 

Raysalwasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre ayaa hadal kooban ka jeediyey goobtii u Madaxweynuhu ku magacabey maanta oo Khamiis ah.

Xasan Cali Kheyre Raysalwasaaraha Farmaajo magacaabey ayaa sheegay in uu aqbalay magacaabidda, isla markaana uga mahad-celinaayo Madaxweynaha magacaabistaan.

Wuxuu sheegay in u la shaqeynaayo Madaxweynaha si hufan oo habsami leh. Xasan Ayaa sheegay in markii baarlamaanku ansixiyaan uu soo dhisi doono Dowlad hufan oo shaqeysa.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbadey in ay la shqeeeyaan, isaga oo ballan qaadey in si caddaalad ah uga shaqeyn doono xilkan maadaama xilkaani amaan yahay oo ay sugi doonaan amaanada.

Comments are closed