Kulankii Wadatashiga Iskaashiga DDSI Iyo Somaliland Oo Ka Furmay Jigjiga.

0000aakl1Jigjiga (estvlive) 23/02/2017

Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga ee caasimada DDSI  gaar ahaan madasha  shirarka ee qaryaan dhoodan kulankii wadatashiga ahaa  ee xoojinta  xidhiidka  iskaashiga DDSI iyo somaliland. Kulankan wadatashiga ah oo ah mid joogta ah oo 3dii  bilood mar la qabto  ayaa waxay ujeediisu  tahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya itoobiya iyo somaliland gaar ahaan dhinacyada  daris wanaaga iyo Nabadgalyada

 

0000aakl2kulankaa ayaa waxaa ka  soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan  xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga iyo gadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, ku simaha hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada  DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI mudane general Cabdiraxmaan Cabdilahi Buraale,  saraakiil  sare oo ka socday taliska  ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya, gudoomiyayaasha gobolada Faafan, Jarar, Doolo iyo Siti  iyo masuuliyiin ka socday soomaliland oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ay ku wehelinayaan saraakiil ka socoday hay’adaha amaanka somaliland iyo gudoomiyayaasha gobolada somaliland ee xuduuda la leh dalkeena itoobiya.

Waxaana furitaankii kulankan wadatashiga ah ka hadlay wasiirka ganacsiga  iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha X.D.SH.S.I  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil  oo sheegay   in uu kulankani yahay mid joogta ah  ujeedadiisuna tahay sidii loo sii xoojin lahaa  xidhiidhka iskaashi ee dhinacyada nabadgalyada, la dagaalanka ganacsiga sharci darnada ah, daris wanaaga iyo xoojinta isku socodka labada shacab ee walaalaha ah ee itoobiya iyo somaliland. wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya dalka itoobiya iyo somaliland oo ah   mid xoogan  islamarkaana uu  kulankani uu yahay mid diirada lagu saarayo  waxqaadkii wada shaqayneed ee bilihii la soo dhaafay ka dhexeeyay somaliland iyo itoobiya.

0000aakl3Dhinaca  kale  waxa kulankaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo sheegay in uu kaulnani yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka iskaashi ee wada shaqayneed ee ka dhexeeya itoobiya iyo somaliland gaar ahaan dawlad  deegaanka somalida itoobiya  iyo somaliland  si looga hortaga wax kasta oo wax yeelayn kara   labada shacab ee walaalaha ah. wasiiru dawlaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay xidhiidhka wanaagasan ee iskaashiga ee  dhinacyada daris wanaaga, nabadgalayda iyo adkaynta  iskaashiga ganacsiga sharciga ah  ee ka dhaxeeya itoobiya iyo somaliland.

Kulankaasi waxaa si qoto dheer loogu qiimanayaa  waxqabadkii bilihii la soo dhaafay ee dhinacyada iskaashiga  hawlaha daris wanaaga, xoojinta xidhiidhka  nabadgalyada , adkaynta ganacsiga sharciga ah iyo  guud ahaan xaaladaha gobolka.

Comments are closed