Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si diiran loogu soo dhaweeyey Sucuudiga

farmaajo_sucuudiga-740x512Sucuudiga (estvlive) 23/02/2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaarey Boqortooyada Sucuudi Caraabiya halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

 

Wefdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Marwada kowaad ee jamhuuriyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee King Khalid International Airport magaalada Riyaadh waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Faisal bin Bandar Al Saud, barasaabka gobolka Riyaadh iyo Wasiiru Dowlaha xukuumadda Dr. Mussaed bin Mohamed sida ay qortey SPA.

U adeegaha labada Xaram ee Shariifka ah Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa ku qaabiley Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi halka la yiraahdo al-Yamamah. Labada masuul ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal.

Kadib Boqorka ayaa wefdiga Madaxweynaha u sameeyey qado sharaf ay ka soo qaybgaleen qaar kamid ah qoyska Boqortooyada sida ay qortey Wakaaladda wararka ee Sucuudigu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Barakaysan ee Makka halkaasna uu ku cumreysto.

Comments are closed