Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay al-Shabaab inay isa soo dhiibaan

201722363623416584450898216681546_1078196755640854_6730482595170780661_nMuqdisho (estvlive) 23/02/2017

Xafladii caaleemo saarkiisa ee shalay ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu ugu baaqay xubnaha al-Shabaab inay isasoo dhiibaan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ka ballan qaaday dadkiisa in mar dhow xilligii al-Shabaab uu dhammaan doono, waa sida hadalka loo dhigaye.

 

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay inay isasoo dhiibaan xubnaha al-Shabaab oo lagu qiyaaso kumanaan maadaama uu u ballan qaadayo nolol wanaagsan hadii ay sidaasi yeelaan.

‘Kuwa la shaqeeya al-Qaacida ee al-Shabaab ah iyo ISIS, waqtigiinii wuu dhammaaday’. Sidaa ayuu yiri.

‘Waa laidin marin habaabiyay, waxaadna burburiseen hantida dalkiina aadna disheen Soomaali badan.

Dalka Soomaaliya ayaa colaado hareeyeen wajiyo kala duwan leh laga soo bilaabo sanadkii 1991.

Comments are closed