Saxaafadda Norway maxay ka tiri magacaabista Raysalwasaare Xassan Kheyre

kheyr2Norwey (estvlive) 23/02/2017

Qof Noorwiijiyaan ah oo loo magacaabey xilka raysalwasaaraha Soomaaliya, ayaa cinwaan looga dhigey faallo ku soo baxdey waregsyka ugu weyn dalka Norway eeVG (Verdens Gang)

 

Hassan Khaire. FOTO: MATTIS SANDBLAD , VG

Kadib markii Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi u magacaabey Xassan Cali Kheyre raysalwasaare ayaa waxaa faallo ka qorey Waregsyaka VG ee ka soo baxa dalka Norway.

Joornaalka ayaa qoraalkiisa ku bilabey in Xasan Cali Kheyre uu yahay 49 jir yimid dalka Norway isaga oo ah 21 sano jir sanadkii 1989.

Wuxuu noloshiisa ka bilaabey magaalada Vestre Slidre   ee gobolka Valdres, kadib waxa u u wareegay caasimada Norway si uu wax uga barto halkaas sida uu qorey Joornaalka VG.

Kheyre ayaa joornaalka Aftonposten u sheegay in uu ahaa qof nasiib badan kadib markii uu Soomaaliya ka soo tegey sanadkii 1989 markaas oo dagaaladu ay taagnaayeen albaabka hore, wuxuu u sheegay in uu Norway ku heley amni, deganaansho iyo fursado waxbarasho.

Sanadkii 2002 ayuu bilabey in uu ka shaqeeyo arrimaha dadka soo galeetiga ah, isaga oo shaqadiisi u horeeyey ka bilaabey hay’adda NRC ee ka shaqeysa arrimaha qaxootiga, kadib waxa uu noqdey qofka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda NRC, waxaana uu u wareegay dalka Kenya 2011-2014.

Joornaalka VG ayaa ka hadley baritaankii guddiga dabagalka ee Qaramada Midoobey ee ay la xiriiriyeen Kheyre in uu xiriir la lahaa kooxaha Argagxisada sida al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in mar danbe laga tirtirey tuhunkaas. Joornaalka oo soo xiganaya CBC News ayaa sheegay in sanadkii hore denjiraha u fadhiya Norway Qaramada Midoobey Mr. Geir O. Pedersen u helay qoraal ka yimid Guddiga Dabagalka ee Qaramada Midoobey u xilsaartey Soomaaliya iyo Ereteeriya, waxaana looga dalbadey in guddiga loo madax-baneeyo in ay wax ka ogaan karaan canshuur bixinta Kheyre ee sanadkii 2013, Koontadiisa iyo weliba Kaararka amaahashada Credit-cards uu isticmaaley sanadkii 2013. Kheyre ayaa Dagbladet u sheegay in waxa lagu soo oogay oo dhan ay ahayd been-abuur la dhoodhoobay.

FOTO: NRC

Madaxa hay’adda NRC ee dalka Norway Harriet Rudd ayaa sheegtey in Xassan Kheyre la magacaabey xili adag oo dalka abaaro ka jiraan, laakiin khibaradda uu u lee yahay arrimaha biniadaanaimada iyo gargaarku uu siin karo in uu wax a qabto dhibaatada taagan, waxaana uu ku tilmaamey shakhsi daa’imey samafalka kuna wanaagsan gorgortanka iyo wax xalinta.

Waregsyaka ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre yahay nin haysta laba dhalsho oo ah Soomaaliya iyo mida uu ikhtiyarkiisa ku noqdey ee Norway si lamid ah Madaxweynaha oo ah muwadin haysta laba dhalasho.

Waraysi uu bixiyey 7 sano ka hor daawo

Comments are closed