DAAWO Geneva: Wadahadalka Dowlada Siiriya iyo Mucaaridka oo dib u furmay – VIDEO

genevaGeneva (estvlive) 24/02/2017

Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayuu ka furmay wareegii 4aad ee wadahadalka lagu dhex dhexaadinayo Dowlada Siiriya iyo xoogaga mucaaridka ah ee la dagaalamaya.

Wadahadalkan ayaa waxaa Khamiistii shalay si rasmi ah u furay Wakiilka UN-ka u qaabilsan Siiriya ee Staffan de Mistura oo furitaankii shirkan ugu baaqay dhinacyada is horfadhiya inay ka fekeraan Jiilasha soo socda iyo caruurta reer Siiriya ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka sokeeye ee socday lixdii sano ee lasoo dhaafay.

 

Furitaankii shirka ayaa daahay kadib markii Wafuuda ka socotay kooxaha mucaaridka ay diideen inay yimaadaan xarunta shirka ka bilaaban lahaa iyagoo ka gadoodsanaa sharuudo ay shirka ku xireen oo aan weli la fulin, balse waxay ugu danbeyntii yimaadeen miiska wadahadalka.

Rajada laga qabo in wax natiijo ah kasoo baxdo shirkan ayaa aad u hooseysa iyadoo horey marar badan loogu fashilay in heshiis kama danbeys ah la dhex dhigo Dowlada Siiriya iyo mucaaridkeeda kadib markii Xukuumada Bashar Al Assad ay taageerada ka heshay ciidamada Ruushka taasi oo meesha ka saartay awoodii gorgortanka ee xoogaga mucaaridka ah.

Comments are closed