Ilhaan Cumar oo farriin u dirtay Trump

2017224636234936150448797dharrtaMareykanka (estvlive) 24/02/2017

Ilhaan Cumar, gabadha ah xildhibaanada maxaliga ah ee golaha Minnesota ayaa farriin u dirtay Trump.

Ilhaan ayaa sheegtay in awaamiirta Donald Trump ee qallafsan aysan Soomaalidu la dhuudhuuman doonin dartood. Waxay intaa raacisay inay ku dadaali doonaan sidii ay u xallin lahaayeen dhibaatada ku heysata dal weynaha Mareykanka gudihiisa.

 

Waxay Ilhaan Cumar sheegtay in dawrkeedu yahay gaashaanka u daruurida mamnuucida uu Donal Trump kusoo rogay socdaalka dadka Soomaalida ah ay ku tagayaan Mareykanka.

Waxay sheegtay in Soomaali badan oo kunool halka laga soo doorto ee Cedar Riverside ee Minnesota ay walaac qabaan walaacaas oo amarka lasoo rogay uu u keenay.

Cedar Riverside ayaa ka tirsan degmadeeda halkaa oo marmar lagu magacaabo ‘Muqdisho Yareey’ maadaama Soomaalidu ku badan tahay.

Ilhaan Cumar ayaa kasoo qaxday Soomaaliya. Waxay kunoolaan jirtay xerada Utanga ee qaxootiga ee sagaashameeyadii ka jiri jirtay gobolka xeebta ee Kenya.

4 sano ayay xeradaa Utanga kunooleyd. Kadib ayadoo 12 sano jir ah ayaa ayada iyo qoyskeeda sanadkii 1995 laga siiyay dib u dajin dalka Mareykanka.

Comments are closed