Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Sheegay In Uu Xoojinayo Daryeelka Caafimaadka Bulshada.

0000AAFK6Jigjiga (estvlive) 25/02/2017

wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali  oo xafiiskiisa  ugu waramayay warbaahinta DDSI   ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI uu   xooga saarayo  xaqiijinta tayada daryeelka caafimaadka  la gaadhsiinayo bulshada ku dhaqan degmooyinka abaaruhu saameeyeen.

 

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo  kor loo qaado lana  xoojiyo dareelka adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada DDSI gaar ahaan bulshada ku dhaqan degmooyinka DDSI ee  abaaruhu saameeyeen islamarkaana laga   hortago  cudurada dilaaca  uu xafiiska caafimaadka DDSI gaadhsiiyay goobaha abaaruhu ka jiraan 14 kooxood oo ah kooxaha caafimaadka, 8 dhakhaatiir iyo waliba 150 xirfadleh caafimaadka kuwaasi oo bulshada abaaruhu saameeyeen gaadhsiinaya daryeel caafimaad oo taya leh.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tibaaxay  in uu xafiiska caafimaadka DDSI  sameeyay gudi heer deegaan ah  oo si joogta ah ugu xidhan dhaq-dhaqaaqa iyo xaqiijinta  daryeelka caafimaad ee la gaadhsiinayo bulshada taasi oo suurta galinaysa sidii ka  hortag loogu sameeyo cudurada  ka dhalan kara goobaha ay bulshada abaaruhu saameeyay ku kulmaan.

Ugu danbayntii wasiirka caafimaadka ayaa sharax dheerka bixiyay in xafiiska caafimaadka oo ka duulaya taabo galinta daryeel caafimaad oo taya leh bar tilmaameed kiisuna yahay shacabka islamarkaana looga hortago  cudurada ku  iman kara  xaaladaha abaarta  ayaa la hirgaliyay  dhawaana  xadhiga laga jaray ayuu yidhi wasiirku xarumo caafimaad oo hadda bixinaya adeeg caafimaad oo hufan iyada oo dayactirna lagu sameeyay xaruma caafimaad iyo rugo caafimaad si ay u bixiyaan adeegyo caafimaad oo dabooli kara baahida shacabka ee dhinaca daryeelka adeega  caafimaadka.

Comments are closed