Ciidamo La Wareegay Xarunta Barlamaanka Puntland oo dib ugu noqday xarumahooda

Ciidamo-QabsadayGaroowe (estvlive) 26/02/2017

Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili aysan ka socon wax kalfadhi ah, waxaana xarunta ku sugnaa xildhibaano kooban iyo shaqaalihii barlamaanka oo goor dambe laga saaray.

Ciidamadan oo watay baabuurta gaashaaman, kuna hubaysnaa hub culus ayaa xanibay jidka dheer ee Laamiga ee  hore mara barlamaanka, iyagoo joojiyay isu socodkii baabuurta iyo dhaqdhaqaaqii wadada ugu muhiimsan caasimadda Puntland ee Garoowe

 

Ciidamadan  oo aan la hadlin warbaahinta, islamarkaana aan la faahfaahin guutadada ay ka tirsan yihiin iyo masuuliyiinta xukunta  ayaa warar ku dhow waxay sheegayaan inay ka cabanayaan mushahar la’aan iyo xuquuqo kale oo uga maqan dowladda Puntland.

Ma Cadda in qabsashada ciidamada ee xarunta barlamaanku ay tahay fariin loo dirayo xildhibaanada Barlamaanka oo ah in culays lagu saaro in ay talaabo ka qaataan xaaladda wadanka ka taagan, sababta loo bartilmaameedsaday xaruntoodii kaliya oo aysan ciidamadu u qabsan bangiga iyo Wasaaradda maaliyada oo dhinac ku haya xarunta Barlamaanka ee Garoowe.

Dadka qaar ayaa sheegayaa in qabsashada barlamaanku ay la xiriirto howlgal ay dowladu soo abaabushay oo lagaga hortegayay xildhibaano gadoodsan oo ku sugnaa xarunta barlamaanka ee Garoowe kuwasoo diyaarinayay kacdoon lagu ridayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xiliga ciidamada goobta yimaadeen ayaa waxaa gudaha xarunta Baarlamaanka ku jiray tiro xildhibaano ah oo gaaraya 10 kuwaasi oo la rumeysan yahay inay kamid yihiin kuwa qorsheenayey mooshinka ka dhan ah xukuumada.

Arrintan waxay ku soo aadaysa maalin ka hor markii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo ka hadlay warbaahinta uu eedaymo culus u soo jeediyay maamulka madaxweyne Gaas, islamarkaana uu ku tilmaamay xaalada Puntland mid burbur ah. Wasiirka ayaa muddo 5 sanno wuxuu ahaa wasiirkii maaliyada ee xukuumadda Faroole, waxayna shacabka qaarkiis ku tiriyaan inuu ka mid ahaa masuuliyiintii boobay hantida qaranka Puntland mudadii ay xilka hayeen.

Kooxdii horey ulla soo shaqeeyey xukuumadii hore ee Puntland ayaa la sheegayaa inay maalmihii lasoo dhaafay wadeen qorshe ay ku dhisayaan isbaheysi xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo mooshin ka dhan ka geeya xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gabagabadii, Ilaa iyo hadda ma jirto xildhibaano ka tirsan gollaha Wakiiladda oo ka hadlay dhacdada, sidoo kale ciidamada  ayaa ka hadlin sababta ay u qabsadeen, mana jirto war-murtiyeed ay dowladda ka soo saartay qabsashadii barlamaanka ee Maanta.

Wararkii ugu danbeeyey

Ciidamadii la wareegay Xarunta Baarlamaanka ayaa maanta gelinkii danbe halkaasi baneeyey iyagoo dib ugu noqday xeryahooda, waxaana la sheegay in ay go’aankan qaateen kadib markii uu goobta ay ku sugnaayeen booqday Islaan ciise Islaan Muse oo kamid ah Issimada Puntland iyo gobalka Nugaal.

Ciidamadan ayaan wax dhibaato ah geysan marka laga reebo xarunta Baarlamaanka oo ay isku gadaameen iyo wadooyinka goobtaasi hormara oo ay xireen saacado kooban.

Ma jirin cid ka socotay dowlada oo ciidamadan la kulantay sida la sheegayo, waxaa dhinaca kale weli la sugayaa inay arrintan ka hadasho dowlada Puntland.

Comments are closed