DAAWO Robert Mugabe oo u dabaaldegay Sanadguuradii 93aad ee Dhalashadiisa – VIDEO

Mugabe-93-sano-jir-740x540Zimbabwe (estvlive) 26/02/2017

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo tan iyo markii dalkaasi xoriyada qaatay kasoo talinayey ayaa u dabaal degay sanadguuradii 93aad ee Dhalashadiisa.

Mugabe oo isagu hada ka muuqato da’ada ayey qoyskiisa dhaqaale badan ku bixiyeen xafladaha lagu xusayo dhalashadiisa oo si weyn looga debaal degay caasimada Harare.

 

Dalka Zimbaabwe ayey xiligan ka jiraan dhibaatooyin badan iyo hoos u dhac dhaqaale oo keentay sicir barar iyo shaqo la’aan baahsan, walow Xukuumada Mugabe ay weli gacan adag ku heyso dalkaasi oo ay sidoo kale saaran tahay cunaqabateyn dhaqaale oo caalami ah.

Robert Mugabe oo xukunka soo hayey muddo ka dhaw 40 sano ayaa sheegay inuu markale u tartami doono doorashada dhici doonta sanadka soo socoda ee 2018.

Comments are closed