DAAWO USA: Xisbiga Dimuquraadiga oo doortay Guddoomiye cusub – VIDEO

Loolanka-DNC-2017-2Mareykanka (estvlive) 26/02/2017

Kadib tartan adag oo ka dhex dhacay Murashaxiinta u loolameysay Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga ee Maraykanka ayaa waxaa xilkaasi ku guuleystay Tom Perez oo horey uga soo tirsanaa xukuumada hore ee Madaxweyne Barack Obama.

Loolanka ugu weyn ayaa u dhaxeeyey kooxda Isbedal doonka oo taageerayey Murashax Keith Ellison oo ah Xildhibaan Madow oo Muslim ah oo laga soo doorto gobalka Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota, murashaxan ayey sidoo kale taageerayeen siyaasiyiin culus oo ka tirsan xisbigaasi oo uu ku jiraan Sentorada Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren.

 

Dhinaca kale ayaa ahaa kooxdii lasoo shaqeysay Barack Obama iyo Hillary Clinton oo iyagu caqabad weyn ku noqday in isbedal weyn lagu sameeyo hogaanka xisbiga Dimuquraadiga oo ay waji gabax weyn ka raacday doorashadii sanadkii hore oo ay ku dhumiyeen kuraas badan ee Aqalada Baarlamaanka iyo waliba gobalada dalkaasi oo ay usii dheertay guuladarii Doorashadii Madaxweynaha.

Tom Perez ayaa isagu horey usoo noqday Xoghayihii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadii Barack Obama, wuxuuna ka codsaday Xildhibaan Keith Ellison inuu la shaqeeyo oo uu qabto xilka Guddoomiye kuxigeenka.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa laga sugayaa inay dajiyaan qorshihii ay kula loolami lahaayeen xisbi Xaakimka Jamhuuriga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Donald Trump.

Comments are closed