Munaasabad Abaalmarin Lagu Gudoonsiiyay Ardayda Kaalmaha Hore U Galay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Dr Cabdulmajiid Xuseen

ddsiJigjiga (estvlive) 26/02/2017

Munaasabad abaalmarin lagudoonsiinayay ardayda kaalmaha hore u galay kuliyada tababarada macalimiinta ee Dr Cabdulmajiid Xuseen islamarkaana ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta kuliyada oo uu ugu horeeyo maareeyaha kuliyada mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin , maareeye kuxigeenka kuliyada mudane Ilyaas Abiib, Agaasimayaasha, Macalimiinta kuliyada, Ardayda iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha kuliyada ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla kuliyada.

 

ddsi2Hadaba munaasabadan hormuudka ardayda lagu gudoonsiinayay abaalmarinta ayaa waxaa gudoonsiiyay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee Dr Cabdulmajiid Xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin  oo sheegay inay munaasabadan tahay mid ardayda kaalmaha hore galay lagu gudoonsiinayo abaalmarin si ay kor oogusii qaadaan dadaalkooda waxbarasho islamarkaana ay ardayda kale ku dhiiradaan ardaydan hormuudka u ah kuliyada, Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray in ardayda oo la abaalmariyo ay natiijo wax ku ool ah ka keenayso dadaalka ardayda kaalmaha hore galay iyo kuwa kale oo samaynaya inay ku daydaan ardayda hormuudka ah.

ddsi5Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay ardaydii abaalmarinta la gudoonsiiyay ee kaalmaha hore ugalay kuliyada tababarada macalimiinta ee Dr Cabdulmajiid Xusen oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  abaalmarinta lagudoon siiyay islamarkaana ay abaalmarintani tahay mid kor isii qaadaysa dadaalkanaga waxbarasho, Iyagoo intaa kudaray inay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda waxbarash.

ddsi2

Comments are closed