Muqdisho: Askar ku dhaawacantay gaari ku qarxay Ex-Kontrol

gaarigaMuqdisho (estvlive) 27/02/2017

Gelinkii danbe ee Isniinta waxaa qaraxka dhacay wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan isgoyska Ex-kontrol.

 

Gaariga ayaa tan iyo subaxnimadi hore ciidamadu amaanku ay ku eryoonayeen gudaha Muqdisho. Gaariaga ayaa la sheegayaa in ay saarnaayeen laba nin oo ku hubeysnaa qoryaha afka looga xiro qalabka dhawaaqa rasaasta celiyo. Degmada Boonsheere ayey ku dhaawaceen saddex ka tirsanaa Booliska.

Baarbuurka ayaa isku dayey in uu ku baxsado waddo bacaad ah oo dhanka Ex-kotrol ah, kadib waa socon waayey, dhanka Dayniile, waxaana dadarkaayey gaariga sheegeen in ay ka degeen laba nin oo aan hubeysneyn kuwaas o cagahooda ku baxsadey.

Gaariga oo ay soo gaareen ciidamadu ayaa waxaa ka dhashey qarax aan xoog badneyn kaas o dhaawacay laba askeri oo kale, waxaana tirada guud ee dhaawucu ay tahay 5 askeri.

Booliska ayaa soo bandhigey aba qori oo afka ay uga xiran yihiin qalabka celiya shanqarta.

Ma jirto wax dhimasho ah oo dhacdey, lamana soo sheegin ilaa hadda cid kamid ah kuwii dhaawacmey oo u geeriyootey dhaawacii soo gaarey.

Comments are closed