Algeria oo fashilisay weerar Dacish soo qorsheesay

algeria_police_file-740x416Algeria (estvlive) 28/02/2017

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar argagaxiso oo Axadii lasoo dhaafay ay booliiska Aljeeriya ay fashiliyeen.

Nin Bambaano sita ayaa habeenkii Isniinta soo galeysay isku dayey inuu gudaha u galo Taliska Booliiska ee magaalada Constantine ee bariga wadankaasi Aljeeriya.

Mid kamid ah illaalada ku sugnaa xaruntaasi ayaa rasaas ku furay ninka bambaanada sitay taasi oo keentay in bambadaasi qaraxdo. Waxaana ku dhaawacmay labo askari oo booliis ah oo kaliya.

Taliska Booliiska ayaa si weyn ugu riyaaqay sida deg degta leh ee illaalada xarunta Booliiska uga hortageen in ninkaasi la galo bambada gudaha xaruntaasi.

Kooxda Daacish ayaa Isniintii shalay sheegatay weerarkan iyadoo qoraal ku shaacisay warbaahintooda AMAQ.

Dalka Aljeeriya ayey dagaalo sokeeye ka dhaceen intii u dhaxeysay 1991-2002, dagaalkaasi oo u dhaxeeyey kooxaha islaamiga ah iyo militariga dalkaasi oo gacan adag ku haya wadankaasi carbeed.

Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii danbe isku dayeysay inay saameyn ku yeelato Waqooyiga Afrika gaar ahaan dalalka Aljeeriya, Tuunisiya, Liibiya iyo Masar.

Comments are closed