Gaas: Eedaha iyo Dhaleecaynta Loo Jeedinayo Xukuumadayda Waa Xagxagasho Siyaasadeed

Madaxweyne-GaasGaroowe (estvlive) 28/02/2017

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horraysay  ka hadlay dhaleecayn iyo eedaymo  ay Xukuumadiisa u soo jeediyeen Madaxweynihii hore Puntland C/raxmaan Faroole iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal ka soo qabtay Puntland, wuxuuna ku tilmaatay eedahaasi xag-xagasho siyaasadeed oo micno badan aan samaynayna.

Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada Daljir, wuxuu ka hadlay waxqabadkii xukuumadiisa ee saddexdii sanno ee la soo dhaafay, Amniga guud iyo Dilalkii Puntland ka dhacay, Xariga nabadoon Xarago,  xaalada abaarta ee ka jirta Puntland iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay in  amniga guud uu dalku wanaagsan yahay, dilalkii iyo falalkii amni xumo ee ka dhacay Puntland la qabtay dadkii ka dambeeyay  maxkamadna la saaray “Saddex qof odoyaal ah ayaa lagu dilay bosaso, dadkii falkaas gaystay waa qabanay, maxkamad ayaa la saaray waana la xukumay, waxay sugayaan rafcaan qaadasho, puntland sharci bay ku dhisan tahay, Qofna xaqdaro lagu dilin, qofna dambi uusan lahayn la saarinin, maxkamada iyo xeer ilaalintuna ay xaqiijiyaan in qofkaasi dambigaas leeyahay” ayuu yiri

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay xariga Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo ciidamadu amnigu ay xabsiga u taxaabeen, wuxuuna sheegay in  falka uu sameeyay nabadoonku wixii sharcigu ka qabo la marsiin doono.

“ Ninka nabadoonka isku sheegay ee arrintaas ka hadlay, dabcan waxaanu u haysanaa Shabaab iyo cidii la jirtana shabaab ayay noqonaysaa, inuu xabsiga tago oo nimankii dilka lagu xukumay oo dadka laayay inuu isla soo sawiro micnaheedu waxaa weeye isna wuu ka tirsan yahay oo cid kale ayuu fartiin u dirayaa oo taageero u yahay, wixii uu sharcigu ka qabo ayaa la marsiinayaa” ayuu yiri madaxweynaha Puntland

Mar uu ka hadlayay dhaliilo iyo eedaymo ay u jeediyeen xukuumadiisa madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Faarax Cali shire iyo siyaasiyiin kale, Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay  dowlad dimoqraadi ah  oo aan kaligiitaliye ahayn, dulqaad badana ay muujiso ,xoriyatul qolkana ay ogoshahay, waxaana uu tilmaamay in qadarin iyo wanaag badan ay u hayaan madaxweynihii hore.

“ dhawaan waxaan ku daray aqalka Sare ee federaalka, annigoo rajaynaya inuu dadka reer Puntland ku matelo, una odoyeeyo, danta Puntland iyo tan soomaaliyeedna nagu matelo,lana shaqeeyo haddan tii ayaanu ka rajaynayaa” ayuu yiri

“ Markii aanu halka nimid isagaa (faarax) wasiirka maaliyadda ahaa 13 bilood oo shaqaalaha  iyo ciidamada dowladu mushahar qaadan ayaanu u nimid, hadda wuxuu sheegay dadka reer puntland waa yaqaaniin Faarax Cali Shire iyo waxa ay sheegayaan inay xag-xagasho siyaasadeed tahay, wax micno ah oo ay noo samaynasana ma jirto” ayuu yiri.

Gababadii, Madaxweyne Gaas wuxuu si weyn u difaacay Safarada tirada badan ee ku tago dalka dibadiisa iyo gudihiisa, waxaana uu sheegay in dadka reer Puntland ay arkaan,islamarkaana ay ogyihiin waxqabadka  xukuumadiisa ee kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, wuxuuna tilmaamay in xukuumadiisu  shaqooyin badan  abuurtay , maalgashina ay u raadinayso khayraadkeena dabiiciga ah macdanta iyo biyaha, shidaalka iyo Kalluumaysiga sidii dalka uu hodantinimo iyo isku filaansho u gaari lahaa.

Comments are closed