Hogaamiyihii labaad ee ururka Al-Qaacida oo lagu dilay Waqooyiga Suuriya

2017228636238445865459357_94870584_alqaedaleaderkilledSiiriya (estvlive) 28/02/2017

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah lagu dilay Hoggaamiyihii labaad ee Ururka Al-Qaacida, kaasoo ku sugnaa Gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.

 

artilmaameedka weerarkan ayaa ahaa gaari uu la socday Abdullah Abdirahman oo ahaa ninka ku xiga Hoggaamiyaha Guud ee Al-Qaacida Ayman al-Zawaahiri.

Gaari la duqeeyay ayaa waxaa saarnaa labo qof, waxaana ku dhacay gantaal dhanka hawada ka yimid, xilliga uu marayay magaalada Al-mastuma

Ninkan oo loo yaqaano Abu al-Khayr al-Masri ayaa kala cadeyn inuu ka bad baaday weerarkaas, hase ahaatee hadii la xaqiijiyo dilkiisa waxay noqoneysaa dharbaaxo kale oo Al-Qaacida ku dhacda.

Kooxda dhaq dhaqaaqa mucaaradka Suuriya ayaa sheegtay in duqeynta lala beegsaday gaariga lagu dilay labo qof, waxaana sawir la soo geliyay baraha internet muujinayay gaari bur bursan.

Ugu danbeyntii, diyaaradaha dagaalka ee xulafada uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa la sheegay inay fuliyeen duqeyntan ka dhacday Gobolka Idlib.

Comments are closed