Raaysalwasaare Xasan Kheyre oo Baarlamaanka horgataya Arbacada

KhayreMuqdisho (estvlive) 28/02/2017

Raysalwasaaraha magacaaban ee Jamhuuriyadda Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ee Arbacada uu hortago baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa maalinta berri ah ee Arbacada waxaa u furmi doona kalfadhigoodi kowaad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furaaya kalfadhiga.  Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada horgeynaya raysalwasaaraha uu magacaabey waxaana uu weydiisanayaa in ay codka kalsoonida siiyaan Raysalwasaaraha si u u soo dhiso golaha wasiirada.

Maalmihii u danbeeyey Raysalwasaare Kheyre ayaa kulamo la yeelanayey Xildhibaanada isaga oo kadalabanayey in ay fursad siiyaan kuna taageeran codka kalsoonida.

Warar ku dhaw Golaha Shacabka ama Aqalka Hoose ee iska leh awoodda ansixinta ayaa shegaya in rayslawasaaruhu si fudud ku heli doono codka kalsoonida ee baarlamaanka.

Kadib marka uu helo codka kalsoonida, shaqada ugu horeysa ee raysalwasaare Kheyre hortaala ayaa ah dhismaha golaha wasiirada.

Comments are closed