USA: Trump oo sare u qaaday Miisaaniyada Militariga jarayna Deeqihii

Miisaaniyada-Trump-740x417Mareykanka (estvlive) 28/02/2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa caawa khudbadiisii ugu horeysay usoo jeedin doona labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka isagoo soo bandhigi doona xogtii ugu horeysay ee Miisaaniyada uu doonayo in xukuumadiisa loo ansixiyo.

Miisaaniyada Xukuumada Trump ayaa ah mid wax weyn ka duwan kuwii hore iyadoona uu inta badan jaray kharashaadkii dowlada Maraykanka ay ku bixin jireen Adeega bulshada halka sare loo qaaday miisaaniyada Wasaarada Gaashaandhiga iyo Militariga.

Trump ayaa $54 bilyan ku kordhhiyey miisaaniyadii hore loo siin jiray militariga taasi oo sare loo qaaday 10%, miisaaniyada militariga ee Trump ayaa isugeyn gaareysa in ka badan $600 bilyan oo dollar sanadkii. Dhaqaalaha Maraykanka uu hada ku bixiyo militarigiisa ayaa ka badan isugeyn 14ka wadan ee ugu militariga weyn caalamka.

Hase yeeshee Donald Trump ayaa aaminsan in Militariga u baahan yahay in dib u habeen iyo balaarin horleh lagu sameeyo, arrintan oo si weyn uga farxineysa shirkadaha awooda kuleh dalkaasi ee hubka soo saara.

Lacagta Militariga loo kordhiyey ayaa la filayaa in laga soo jaro wasaaradaha kale sida Bay’ada, Caafimaadka iyo Arrimaha Dibada.

Qaar badan oo kamid ah Jeneraaladii hore ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saareen xukuumada Trump uga digay inay hoos u dhigto miisaaniyada Wasaarada Arrimaha Dibada oo ay sheegeen inay muhiim u tahay xiriirka Maraykanka caalamka laleeyahay.

Meelaha sida aadka ah hoos loogu dhigay miisaniyada waxaa kamid ah Deeqihii Maraykanka uu siin jiray dalalka sookoraya iyo dunnida sadexaad taasi oo si toos ah u taaban doonta mashaariic badan oo ay fulin jireen hay’adaha dhaqaalaha ka hela Maraykanka.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in miisaaniyada la dhameystiri doono bisha May, waxaase su’aalo badan la iska weydiinayaa in Xildhibaanada Maraykanka ay ansixin doonaan miisaaniyadan.

Comments are closed