DAAWO Donald Trump oo ballan qaadey dib u nooleynta awoodda Maraykanka – VIDEO

11Mareykanka (estvlive) 01/03/2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqey dib u nooleynta ruuxda iyo awoodda Maraykanka, kadib khudbadiisi u horysey ee uu u jeediyo Xildhibaanada labada aqal ee Maraykanka.

“Saaxibadeen waxay arki doonaan Maraykanka oo diyaar ah mar kale in uu hoggaanka qabto” ayuu yiri Trump, “dhamaan umadaha ku nool dunidan, saaxiibo iyo kuwo col inala ah, waxay heli doonaan Maraykanka oo xooggan, isla weyn haddana xor ah” ayuu yir Trump.

 

Trump ayaa mar kale ku celiyey in uu shaqo abuur samaynaayo, dhisaayo derbiga xadka, guul-darro dhabarka u saari doono ISIS, kor u qaadi doono dhaqaalaha ku baxa Mileteriga, ka shaqeyn doono dib u habeynta arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada, dhimista canshuurta, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sidoo kale wuxuu sheegay in uu uu dejinaayo qorshe cusub oo dib loogu habaynaayo socdaalka iyo dadka soogalootiga ah.

Trump oo horey loogu bartey dhaleeceynta sharciga socdaalka ee Marayaknaka ayaa is-bedelka uu ballan qaadey ugu yeedhay “mid ku dhisan mudnaan”.

– Waxaan aaminsanahay isbeddel dhab ah oo wanaagsan oo lagu sameeyo sharciga socdaalka in uu suurtagal yahay, inaga oo diirada saareyna, hagaajinta shaqooyinka iyo mushaharka si loo xaqiijiyo ammaanka qarannkeena dibna loo sooceliyo ixtiraamka loo hayo sharcigeena ayuu yiri Trump.

Trump ayaa labada aqal ka codsadey in si wada jir ah looga shaqeeyo in dib u habeyn lagu sameeyo sharciga caafimaadka ee AAC ee loo yaqaan Obamacare, taas oo kamid ahayd ballanqaadkiisi laakiin si weyn ay ugu wareersan yihiin Jamhuuriyiintu waxa ay ku beddeli karaan.

Trump ayaa khudbadda uu u jeediyey Xildhibaanada labada Aqal ku ballan qaadey in uu aqalka Congress-ka u gudbinaayo kor u qaadidii ugu balaarneyd ee abid lagu sameeyo dhaqaalaha Mileteriga ku baxa. Sidoo kale waxaa uu uga hadley Isbahaysiga NATO oo uu horey hadalo aysan jecleysan u jeeiyey.

Saaxiibada NATO ku jira ayuu u ballan qaadey in ay difaacayaan, laakiin wuxuu dalbadey in dhaqaalaha ku baxa NATO laga doonayo in ay bixiyaan saaxiibada kale si caddaalad ah.

Trump ayaa khudbadiisa ku soo qaadey in u IRAN saari doono cunno qabateyn cusub, kadib tijaabadoodi gantaalada balastikada ah, halka uu Israel ugu yeeray saaxiib aan la taaban karin.

Madaxweynaha Maraykanka khudbadiisa hal meel oo kamid ah kama muuqan erayga Ruushka.

Trump ayaa khudbadiisa waxaa kala goynayey sacab badan oo ay siinayeen xubno u badan jaalayaashiisa Jamhuuriga, halka in badan oo Dimoqraadigu ay gacmaha ka laabteen, markii uu khudbadda soo xirayna kuraasta ayey ka dareereen.

Comments are closed