Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo dhambaal soo gaarsiiyey Madaxweynaha

tillersonMareykanka (estvlive) 02/03/2017

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa warqad soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuiryadda Maxamed Cabdulaahi Maxamed, waxaana uu uga hadley xiriirka labada dal iyo isbeddelka cusub ee Soomaaliya.

 

Ugu horeyntii Xoghayaha Arrimaha Diabdda ee Maraykanka ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeyey guushii doorashada. Tillerson ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay Maraykanka ka go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal.

– Doorashadaadi waxay ka dhigan tahay guul muhim ah oo Soomaaliya leedahay ee dhanka isbeddelka nabadda, xasiloonida iyo barwaaaqadda. Waxaad naga heli dontaa Maraykan haddii aan nahay, Jaalle iyo saaxiib xooggan dedaalkaaga ku aadan dib u heshiisiinta iyo baaqaaga hormarinta, la dagaalanka musuqmaasuqa, kor u qaadida amniga iyo qeexidda nidaamka federaalka – ayuu ku yiri Mr Tillerson qoraalkiisa.

Xoghayaha Arrimaaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ahaa ganacsade weyn oo madax ka ahaa shirkadda weyn ee shidaalka ee Exxon Mobile.

Waxaa in badan la is weydiinayey siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Afrika kadib doorashadii Donald Trump, waxaana uu qorsheynayaa durba in uu jaro kaalmooynka Maraykanku siiyo dalalka soo koroya.

Maraykanka ayaa dib u furtey safaaradii ay ku lahaayeen Soomaaliya sanadkii hore 2016.

Comments are closed