MAHADCELIN KUSOCOTA JAALIYADKA DDSI EE DALKA DIBADIISA

Jigjiga (estlive) 11/06/2018

Dhalinyarada HEEGO Jaaliyadka DDSI Ee dalka dibadiisa ayaa waxay leeyihiin “Horumarka DDSI Wuu waarayaa abid”

Dhalinyarada HEEGO ee Jaaliyadka DDSI ee dalka Dibadiisa ayaa todobaadadan Xaflado aad uheer sareeya Qabsanayay, Xafladahaas oo ay Ku muujinayeen Taageerada iyo Difaaca XDSHSI Iyo Hiilka Shacabka DDSI ee Helay Hogaanka Cadaaladeed ee kahana qaaday Deegankeena maanta, sida Horumarka waara, Nabadgalyada iyo Maamulka Suuban ee ay DDSI ay Degaanka Gaadhsiisay iyo Hogaankeena kadhashay Ilmadii shacabka Somalida itoobiya Mudane Madaxwayne  Abdi Mohamud Omar.
Hadaba Madaxwaynaha iyo Dawladiisa ayaa Mudo gaaban oo 8 sano ah Deegaanka isbadalkan Muuqda Gaadhsiiyay, Waxaana Xisbiga iyo Xukuumaduba ay dajisay Qorshayaal Horumarineed oo Lagaga saarayo Shacabka saboolnimada laguna Gaadhsiinayo Wadamada Dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay, Anaguna waanu Garabtaaganahay Waana lahalgamaynaa Cidwalba oo iskudayda inay Hagardaamayso Systemka iyo shacabka DDSI Waa Hadaladii Dhalinta_HEEGO ee South africa.

Ugudanbayn, lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka Xalinta Cabashooyinka ahna Madaxa Xafiiska Qurbajoogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi ayaa udiray mahadcelin balaadhan isaga oo xusay Dadaalkooda Hadh iyo Habeenba ay Kugarabtaaganyiihiin Shacabkooda,Xisbigooda iyo Xukuumadooda Dhalinyarada HEEGO ee Dhawaantan Qabsaday Xafladaha iskunadhisay ee Sida Wadamada; South Africa, maraykanka, ingiriiska, Saudi Arabia, jermalka, belgem etc iyo kuwo kale oo badan oo muujiyay taageerada xukuumadooda qabtayna xalfadaha taageerada ah iyo kuwa qabanqaabada kujiraba iyo guud ahaanba jaaliyadaha udhashay DDSI ee ka dhisan daafaha dunida ee halgamaayaasha ah una taagan taageerada xaqiiqda dhabta ah iyo qirida horumarka shacabkooda loo qabtay islamarkaana hadh iyo habeen utaagan taageerada joogta ah iyo difaaca sharafta,midnimada ay dadka soomaalida ah gaadhsiisay xukuumada DDSI ee maanta kajirta 

Comments are closed