Magaalada Jigjiga Oo Si Weyn Looga Ciiday iyo 911 Qof oo maxaabiis ah Oo Cafis Loo Fidiyay

Jigjiga (estvlive) 15/06/2018

Waxaa si heer sare ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga loogu tukaday salaadii ciidul fidriga oo ay isugu yimaadeen boqolaal kun oo ah qaybaha kaladuwan ee shacabka ku dhaqan magaalada jigjiga, Iyagoo ku tukaday goroonka casriga ah ee caasimada jigjiga.

Hadaba munaasabadan salaada ciidul fidriga ayaa oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal kun oo ah shacabka ku dhaqan xarunta deegaanka, masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar, culimo owdiinka, golaha wasiirada, odayaal dhaqameedka deegaanka qurbajoogta iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn farxada ciida ugu hambalyeeyay dhamaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan muslimka itoobiya khaasatan shacabka DDSI, wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in ugu horayn lagu mahdiyo allah abaartii inaga saaray ee barwaaqo inoogu badalay ee inasiiyay horumarkan, nabadglayadan, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka hana qaaday guud ahaanba deegaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in deegaanka uu soomaray xaalado nabadgalyo daro oo mugdi ahayd islamarkaana lagagsoo baxay midnimada shacabka iyo xukuumada. Madaxwaynaha ayaana carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in la iscaawiyo oo ay dadka wax haysta kawarhayaan kuwa aan waxba haysanin ruux walba oo ilaahay waxsiiyana uu kawar warhayo dariska iyo masaakiinta islamarkaana la iska ilaaliyo kibirka iyo islawaynida oo ah shay xaaraan ah. Madawaynaha ayaana tilmaamay in ay masuuliyiinta deegaanku ugu horeeyaan kuwa iska ilaalinaya kibirka iyo islawaynida islamraaka yihiin  kabaha shacabka

Madaxwaynaha oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegay in xukuumadu marwalba oo ciid ah iyo marar badan oo aan ciid ahayn ay cafis ufidiso maxaabiista dhaqan celinta ugu xidhan xabsiga, Isagoo madaxwaynuhu si faahfaahsan usoo dhigay tirada guud ee maxaabiista dhaqan celinta loo hayo iyo faldanbiyeedka loo xidhay iyo waliba tirade maxaabiista cafiska loo fidiyay manta, waxayna tirada maxaabiista guud tahay 1,612 oo kali ah islamarkaana 911 kamid ah cafis loo fidiyay maanta halka 701 soo hadhayna ay ku xidhanyihiin faldanbiyeedyo kaladuwan oo kala ah 421 ruux waxay kuxidhanyihiin dil iyo kufsi, 98 ruuxna waxay ku xidhanyihiin tuugnimo ama (dharaq wanjal) 69 xagjirnimo, 17 ubbo iyo 96 shaqaale ah.madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in marxaladihii nabadgalyo daro ee uu deegaanku soomaray ay sababtay in maxaabiis badan la xidho kadib markii ay xukuumadu deegaanku ku guulaysatay xasilinta deegaankana ay maxaabiis farabadan ay cafis taasoo hoos udhigtay maxaabiist ii badnayd ee deegaanka ku xidhnaa.

Dhanka kale waxaa isana munaasbadan salaada ciidul fidriga qudbad dheer kasoo jeediyay gudoomiyaha golaha sare ee arrimaha islaamka DDSI mudane Sheekh Cabdiraxmaan Xasan oo ugu horayn u hambalyeeyay mulimiinta caalamka gaar ahaan shacabka DDSI, wuxuuna sheekhu xusay in loo baahanyahay inay shacabka deegaanku ku mahdiyaan nabadgalyada, horumarkan iyo barwaaqada ay ku jiraan islamarkaana ay diiniyan tahay inay siwadajir ah isaga qabtaan shaqsi kasta oo iskudaya inuu carqaladeeyo nabadgalayada iyo horumarka ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka.

Ugu danbayna waxaa intaas kadib si qurux badan loo tukaday salaadii ciida iyadoo markii salaada lagabaxay uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Uu dhex qaaday shacabka deegaanka ee kasoo wada dareereen salaada ciida isagoo la qaybsadey farxadii ciida.

Comments are closed