Banaanbax lagu Taageerayo Ra’iisal wasaare Itoobiya Abiy Ahmed oo Ka Dhacay Jigjiga

Jigjiga (estvlive) 24/06/2018

Waxaa saaka Aruurtii hore Magaalada Jigjiga ka dhacay Dibadbax uu soo qabanqaabiyay Ururka dhalinyarada Kacaanka Heego Ee dawlad deegaanka somalida Itoobiya  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga.

Dadkan oo isugu soo ururay Garoonka Kubada ee magaalada Jigjiga ayaa waxa ay siteen boorar ay ku xardhanaayeen halkudhigyo lagu taageerayay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed islamarkaana ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin ra’iisal wasaare Cusub Dr Abiy Ahmed

Waxaa khudbado ka jeediyay madax ka tirsan DDSI iyo Xoghaynta Sare Ee Ururka Heego 

Wixii kasoo kordha, dibadbaxa lagu taageeri ra’iisal wasaaraha Cusub waxaad kula socon doontaan wararka dambe ee estvlive haddii ALLE ogolaado

 

Comments are closed