DAAWO ONLF & Itoobiya oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Asmara Eritrea

Asmara (estvlive) 21/10/2018

Maanta oo ay taarikhdu tahay 21/10/2018 waxaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea wadahadal uga furmay dowlada Itobiya iyo ururka xaq udiririka ah ee ONLF,wadahadaladan oo loo balansanaa ayaa waxaa dhanka itoobiya wafiga hogaaminayay wasiirka Arimaha Dibada mudane Workineh Gebeyehu waxaana waftiga kamid ahaa wasiirka Maaliyada ee Itoobiya Mudane Axmed Shide,Madaxweynaha Ismaamulka Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo saraakiil sarsare oo itoobiyaan ah.

Dhanka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya(JWXO) waxaa waftiga hogaaminayay gudoomiyaha JWXO Adm.Maxamed Cumar Cismaan iyo Xoghayaha Guud ee ururka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi,waxaana wafiga ONLF kamid ahaa hogaanka arimaha dibada mudane Axmed Yaasiin Sheekh Ibrahim iyo hogaamo kale oo kamid ah madaxda ugu sarreysa ururka ONLF.

Wadahadalka labada dhinac ayaa daaranaa sidii loo dhamaysitiri laha wadahadaladii hada kahor laisugu yimid bishii September,waxayna wadahadaladu ku saabsanaayeen sidii xal waara looga gaadhi lahaa colaada mudada dheer ka dhex aloosnayd Itoobiya iyo qadiyada Ogadenya,waxaana la isla gaadhay heshiis lagu soo afmeeray dhibaatooyinkii iyo colaadihii ka dhaxeeyey labada dhinac.

Qodobada ugu waaweyn ee heshiiskan qalinka lagu duugay ayaa waxaa kamid ah:

1-In la dhameeyo colaada labada dhinac

2-Inay Dowlada Itoobiya ballan qaado inay ilaalinayso dhammaan xuquuqda siyaasiga ah ee ay leeyihiin shacabka S/Ogadenya.

3-Inay ogolaato diyaarna u tahay inay ururka ONLF kala xaajooto arimaha masiiriga ah ee keenay isku dhaca.

4-In JWXO si madax banaan oo xor ah u fushan karto himilooyinkeeda siyaasiga ah.

5-Waxaa la qabtay gudi isku dhaf ah kaasoo sii wadi doona gudagalka iyo hirgalinta arimaha masiiriga ah ee ay saldhig u tahay xaqa aayo-katashiga shacabka S/ogadenya.

Ugu dambayntii wuxuu heshiiskani labada dhinac ku waajibinayaa ilaalinta waxyaabaha lagu heshiiyey

xigasho qorahay

Comments are closed