QIIMAYNTA LAGU SAMAYNAYO SHAQAALAHA DEEGAANKU HA NOQOTO MID KU SALAYSAN NATIIJADA SAXDA AH EE QIIMAYNTA.

Jigjiga (estvlive) 26/10/2018

Sida ku cad Dastuurka Deegaanka islamarkaana ay xeerinayaan xeerarka shaqaalaha deegaanku gaar ahaan sharciga civil service waxay shaqaaluhu xaq u leeyihiin in ay helaan natiijada saxda ah ee qiimaynta oo kaliya marka loo baahdo in qiimayn lagu sameeyo geedi socodka shaqaalaha iyo shaqada.

Waxaa maalmahan ka socda xarunta deegaanka qiimayn lagu samaynayo shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, Qiimayntan ayaa salka ku haysa isbadalkii dhawaan ka dhacay deegaanka balse waxaa la ii sheegay in ujeedada ugu wayn ee qiimaynta shaqaaluhu tahay, sidii loo hirgalin lahaa barmaamijka halbeega cabirka iyo qiimaynta darajo siinta shaqada job evaluation grading (JEG) taasi oo dhawaan ay ahayd markii laga hirgalisya xafiisyada heer deegaan.

Barnaamijka halbeega cabirka iyo qiimaynta iyo darajo siinta shaqada job evaluation grading (JEG) iyo barnaamijyo kale oo ay ka mid yihiin barmaajinka dib u hindisida geedi socodka shaqada BPR, iyo barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheelitiran Balanced score card (BSC) waxay qeexayaan hirgaliyo qorshayaasha istaraatajiyadaha dalka iyo deegaanada u dajisan waana tabaha iyo xeeladaha lagu gaadhayo natiija istaraatajiga iyo waliba halbeegyada cabir ee lagu qiyaaso inistiraatijiyadahaasi/xeeladahaasi in ay yihiin kuwa natiijo-keen ah/wax-ku-ool ah.

Haddaba, barnaamijkan JEG waxa uu Tilmaamayaa in laysku sar-gooyo/ qiyaaso miisaanka/ culaysta booska shaqada iyo miisaanka shaqsiga boolka lagu qorayo ama ku qoran, sida aqoonta iyo waayo aragnimada shaqsiga, waxaana sharci-darno ah in qof haysta aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida booska uu ku qoranyahay looga qaado siyaabo aan sharciga waafaqsanayn taasi macnaheedu maaha in la hirgalinayo barmaamijkan ee waa in la hirgalinayo dano gaar ah haddii la doonayo in la hirgaliyo barnaamijgan waxaa lagu hirgalinkaraa oo kaliya islamarkaana gashi u noqonaysa geedi socodka shaqada insiday tahay laysku waafajiyo culayska booska iyo aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida shaqsigu uu u leeyahay booska uu ku qoran yahay ama lagu qorayo.

Qore:- Mukhtar Muhumed Cabdi.

Comments are closed