Ilkacase: Xabsi Guri laga dhigay Shaki Shir Gudiga Fulinta Xukuumada Cusub lagu Ridayo

Jigjiga (estvlive) 08/11/2018

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase. oo Xabsi guri ku ah magaalada jigjiga xaafada dulqabow. 04, bisha August madaxweynihii muddada dheer soo xukumayay deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo waqtigaa xilka ku wareejiyay wasiirkiisii maaliyada Axmed Cabdi Maxmed Ilkacase.

Guddiga fulinta xisbiga dimuquraadiga dowlad deegaanka Soomaalida 22, bisha August madaxweyne u doorteen Mustafe Maxamuud Cumar  Cagjar.

Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase. oo ah Madaxa xaruunta dhaxe ee xisbiga ahna Xubin gudiga fulinta ahna xubin golaha dhaxe Xisbiga warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Axmed Cabdi Ilkacase. uu codad badan iyo taageero ka heli karo gudiga fulinta DDS islamarkaana xilka si dhib yar looga qaadi karo Madaxweyne Mustaf.

Ugu dambeyntii Xukuumadda Cusub ayaa xal u aragta in waqtigan xaadirka ah isbedel loo baahneyn wixii ka soo kordha wararka dambe kala soco

Comments are closed