Madaxweynaha Oromiya oo Casuumad u Diray Madaxweynaha Somaliland Soo Booqdo Oromiya (Warbixin)

Nazret (estvlive) 26/11/2018

Madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megarssa oo hoolka shirarka ee magaalada Nazret/Haadaama kula hadlayay odayaal dhaqameedkaa/abbaa gadhaaga, masuuliyiinta iyo waxgaradka deegaanka oromiya ayaa sheegay inay xukuumadisu heshiis iskaashi ganacsi lasamaysay xukuumada Somaliland.

Oromiya oo in muddo ah ba ku hanwaynaa sidii ay iyagu si toos ah jaadka ugu dhoofin lahaayeen dawladaha jaarka ah (Jabuuti, Somaliland, Somalia) ayaad moodaa hada inay kuguulaysteen taasoo meesha kasaaraysa kumanaan udhashay Somali state ooy noloshoodu ku tiirsanay sii gudbinta jaadka (from oromiya to somaaliland). Waa go’aan saamayntiisa leh runtii.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Lema ayaa sheegay inuu booqasho ku imandoono MW ha Somaliland deegaanka oromiya bilahan soosocda. Warkan oo kabaxay TV ga deegaanka oromiya ee OBN

By: Shafici Dahir Muse

Comments are closed