Muxuu Eersaday guddiggii Maaliyadda Golaha Shacabka oo loo kala diray ?

Muqdisho (estvlive) 28/11/2018

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta qaaday tallaabo lagu kala diray Guddiggii Maaliyada iyo Miisaaniyada Golaha Shacabka kaddib qoraal uu ku saxiixnaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ka soo baxay guddoonka sare ee Golaha Shacabka.
Qoraalka ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka ayaa lagu sheegay in la dooran doono guddi cusub oo Baarlamaanka u qaabilsanaan doona howlaha Maaliyada iyo Miisaaniyada dowladda.

Laakiin hadalka guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa ku gacan seyray xog-hayaha guddiga Maaliyada Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in tallaabada xitaa haddii ay isku soo wada raacaan guddoonka Golaha Shacabka ay tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

”Waan arkay warqadda ka soo baxday xafiiska guddoonka golaha shacabka, waxaana kuu xaqiijinaya inay tahay sharci darro, sababta aan sidaa u leeyahay waxay tahay way caddahay, wayna qorantahay siyaabaha uu guddi ku sameysmi karo iyo siyaabaha uu xubin kamid ah guddiga ay xubinnimadeeda ku waayi karto ama guddoonka uu guddiga ku waayi karo in uu guddon kasii ahaado, waana arrin sharci darro ah”. Waxaa sidaasi BBC u sheegay xildhibaan Cabdullaahi.
Muxuu Eersaday Guddiga :

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in guddigu uu eersaday kaliya in guddigan uu shaqadiisii qabsaday’’ “Guddiga waxa uu eersaday sida aan ognahay kaliya in uu shaqadiisa sida ay tahay uu u qabsaday maadama uu soo bandhigay mad madoow miisaaniyada xukuumada ay soo bandhigtay waana arrin ay aheyd in lagu xaliyo hanaan sharci ah” ayuu sheegay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo dhawaan hortagay Baarlamaanka ayaa guddiga laftirkiisa ku eedeeyay in warbixinta ay soo saareen kaddib markii qaarkood uu ka diiday mashaariic iyo qadaraas-yo ay doonayeen in loo saxiixo.
Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in guddigu ay aheyd ka hor inta aysan warbixintan soo saarin ay iska wareystaan’’ Annaga ayaa ceelka ku jirna sidaa daraadeed waxey aheyd in ay wax naga weydiiyaan ka hor warbixinta eedeymaha la soo jeedinayo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ayaa qaba in arrimaha socda oo idil ay gadaal ka riixeyso xukuumadda federaalka inkastoo aan eedeyntaasi wali cadeyn loo heyn, haddana xildhibaannadu waxaa ay sheegeen in shaqadii Baarlamaanka ka socon la’dahay xukuumadda.
Kala dirida guddiga maaliyadda ayaa timid, kadib markii guddiga warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in lacag malaayiin doolar ah ay lunsatay dowladda federaalka, hasayeshee arrintaasi ayaa waxaa ku gacan seeray xildhibanaada barlamaanka iyo wasiirka maaliyadda oo sheegay in warbixintaasi aysan waxba ka jirin.

Comments are closed