Theresa May oo dilka Khaashuqji kala hadlaysa dhaxal-sugaha Sacuudiga

London (estvlive) 30/11/2018

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dilkii magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Khaashuqji, ay kala hadli doonto dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohamed Bin Salman, marka ay ku kulmaan shir madaxeedka G-20 ee ka furmaya dalka Argentina.

Iyada oo saaran diyaarad usoo wadday magaalada Buenos Aires ayay Theresa May sheegtay in dowladda Ingiriiska ay rabto baaritaan cad si loo ogaado wixii dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah dilka wariyaha.

Khaashuqji, oo ahaa wariye u dhashay dalka Sacuudiga aadna u dhaliili jiray siyaasadda dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiiga ayaa labadi bishi October lagu dhex-dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul.

Sacuudiga ayaa u xiray dhowr iyo toban ruux, balse waxuu beeniyay in dilkiisa uu lug ku leeyahay amiir Maxamed Bin Salman.

CIA-da Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan Maxamed Bin Salman uu ogaa dilka wariye Jamal Khaashuqji.

VOA

Comments are closed