Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la dardar-galinayo wada hadallada Somaliland

Muqdisho (estvlive) 30/11/2018

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in si loo ilaaliyo midnimada umadda Soomaaliya muhiim tahay dardragalinta wada hadalladii lala lahaa Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya inteeda kale ka go’day

Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kulankii shalay ee Golaha Wasiirradda looga dooday qodobkan la xiriira midnimada Ummadda Soomaaliyeed sidaa daraadeed leysla gartay muhiimadda leedahay in la soo nooleeyo lana dardargaliyo wada hadaladdii lala lahaa Somaliland.

Balse dhinaca Somaliland marka la eego madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sharuud ku xiray wada-hadallada isaga oo sheegay in marka hore looga baahan yahay Dowladda Soomaalya in ay aqoosanato madax-bannaannida Somaliland.

Wada-hadallada labada dhinac oo muddo dheerba soo socday ayaan wax natiijo ah ka soo bixin, marka laga reebo kulmo ay isku arkeen madaxda iyo mas’uuliyiinta labada dhinac oo ka kala dhcay dalka dibeddiisa.

Comments are closed