Erdogan oo codsaday in loo soo gacan geliyo dadka looga shakisan yahay dilka Jamaal Khaashuqji

Turkiga (estvlive) 02/11/2018

Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga,  ayaa ka codsaday dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji.

Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan Khaashuqji.

Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan wuxuu si wayn ugu murugeysan yahay jaawabta uu Sucuudiga ka bixiyay dilka Jamaal Khaashuqji.

Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga.

Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan karin’ oo ku aadan dilka Khaashuqji.

Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga.

Xigasho BBC

Comments are closed