Addisababa (NogobNews) 11/10/2019
Ergooyin kasocda ururka IGAD, diblamaasiyiin, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo marti kale ayaa maanta isugu yimid Addis Ababa si ay uga qayb galaan xaflada furitaanka beer weyn oo ku taal badhtamaha caasimada Ethiopia.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in beerta loo bixiyay Beerta Midnimada islamarkaana ay astaan u tahay wadajirka Ethiopia iyo in bulshaado wax wadaagto.
Beerta, oo horay u ahaan jirtay qasri boqortooyo, ayaa dib loo casriyayay. Waxaa la samayay xiligii boqor Menelik iyada da’deeda lagu tilmaamay 130 sano. Waxaa ku yaal dhismo weyn oo lagu kaydiyo farshaxanada astaanta u ah hidaha iyo dhaqanka Ethiopia.
Waxaa kale oo ku yaal beer ay ku nool yihiin xayawaano kala duwan. Beerta, oo ku fadhida dhul bedkiisu dhan yahay 40 hektar, ayaa dadweynaha loo furay. Qiimaha galitaanka ayaa u dhaxeeya 200 ilaa 1,000 birr.
Madaxda ururka IGAD ayaa lagu wadaa inay kulamo gaar-gaar ah yeeshaan si ay uga xaajoodaan xidhiidhkooda.
Wufuuda xaflada isugu timid waxaa kamid ah madaxweynaha Somalia, Maxamad Cabdullahi, iyo madaxa Kenya – Uhuru Kenyatta. Xidhiidhka labada wadan ayaa aad hoos ugu dhacay kadib markii la isku maandhaafay muranka badda iyo doorashada maamulka Jubaland. Labada masuul ayaa horay ugu kulmay shirkii Qaramada Midoobay ee ka dhacay Maraykanka, balse horay looma faafin inay mar kale ku kulmayaan Ethiopia inkastoon meesha laga saari karin inay is arkaan.
Waxaa jira xogo sheegaya in shirka soo socda ee madaxda IGAD lagu qaban doono Nairobi, Kenya.
Nogob news media
Abdifatah Sheikh Abdulahi