Jigjiga Ciidanka oo Shacabka Ku Qasbay in Maaska Xidhaan

Jigjiga (Nogob News) 04/06/2020

Hayadaha amniga ee degaanka ayaa caasimada DDS ee Jigjiga ka bilaabey in qof kasta oo u soo baxa magaaladu uu xidho gafuur-saabka (face mask)

Ciidamada amaanka oo dhex mushaaxaya magaalada ayaa ganaaxyo ku soo rogay dadka aan xidhneyn af-daboolka Face mask si looga taxadaro Corona viruska.

Talabadan oo ka mida awamiirta ay dawladu soo saartay ee lagaga hortagayo COVID 19, ayaa waxaa shacabka amar lagusiiyay in goobaha kaladuwan ee la isugu yimaado ay xidhaan afdaboolka cidii kudhaqmi weydana ay muteysanayso xadhig iyo ganaax lacageed.

Komishinerka Komishinka Booliska DDS R/k Maxamed Cali Xasen oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay in maanta laga bilaabo talaabo laga qaadayo cid walba oo xidhan wayda af-daboolka, lana sii xoojin doono awamiirta lagu dhawaaqey hadda kahor.

Mohamed Madaale Jigjiga Nogob News Email nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed