Dhismo 170-Milyan Bir laga hirgalinayo Tuulada Dawanle (warbixin)

Danwanle (NogobNews) 05/06/2020

Duleedka Qabalaha Dawanle ee Degmada Ayshaca,ayaa waxaa laga bilaabay dhismaha xarun cusub oo gaadiidka xamuulka kasoo qaada jabuuti ay ku sugayaan inta uu ka gaadhayo saanka ay ugu jiraan soo qaadida xamuulka.

Xaruntan oo ku fadhida dhul dhan 9Hektar,ayna ku baxayso 170 milyan oo birr, ayaa munaasibadii lagu daahfurayay dhismaheeda waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Gaadiidka ee dalka,Marwo Dagmawit Mogos, wasiirka xafiiska jidadka iyo gaadiidka ee DDS Mudane Rooble Cawaale, Maamulka Gobolka siti iyo Degmada Ayshaca.

Xaruntan ayaa qayb ka qaadanaysa dadaalada lagu yareynayo faafitaanka safmarka Covid 19. waxaana dhismaheeda lagu soo gabagabeyn doonaa mudo hal bil ah. Xaruntan ayaa yeelan doonta goobaha lagu meydho gaadiidka, lagu nasto, islamarkaana lagu baadho xanuunka covid 19

mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed