Madaxweyne Mustafe oo Ka qeybgalay Shirka Nabadgalyada & Covid-19

Jigjiga (Nogob News) 05/06/2020

Waxaa galabta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada DDS , kulan lagaga hadlayay Ajandayaal ay ka mid ahayeen Nabadgalyada, Adkaynta xidhiidhka Nabadgalaya Ee kala dhexeeya deegaanka Degaanada Dariska la ah iyo la Dagaalanka caabuqa covid 19.

Shirkaan oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar goob joogna uu ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Aadan Faarax Ibraahim Iyo haayaddaha amniga iyo cadaalada, ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Srtv uga war bixiyay hogaan ku xigeenka xafiiska Nabadgalayada DDS Cabdullahi Maxamed CabdiOo sheegay in madasha aad looga doodey sidii nabadgalyada.

loo adkayn lahaa sidoo kalana looga hortagi lahaa waxyaabaha isku dhacayada keeni kara. wuxuuna xusay in dhamaan ajandayaashii laga dooday la isla meel dhigay. shirkan oo ah shir bila ah ayaa lagu gorfeeyaa xaalada nabadgalyada iyo hadba marxaladaha xiliga taagan.

Mohamed Madaale jigjiga nogobnews@hotmai.co.uk

Comments are closed