Madaxweyne Mustafe oo ka Qeybqaatay Maanta dhir beeris

Jigjiga (Nogob News) 05/06/2020

Maanta oo 5ta-june oo ku beegan maanta oo kale sanadwalba waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta ilaalinta deegaanka, oo markii 28 aad laga xusayo guud ahaan dalka.

Masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada deegaanka oo ugu horeeyo madaxwayne mustafe muxumed cumar, oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka deegaanka mudane Aadan faarax ibraahim, masuuliyiin kale oo heer deegaan iyo heer maamul magaalo, ayaa saaka subuxii goobo cayiman oo ay kamid yihiin afaafka hore ee madaxtooyada, iyo buurta taariikhiga ah ee kaaramardha ka sameeyay dhirbeeris lagu beeray 33 kun oo geedo.

Taasi oo sidoo kale daahfur unoqonaysa wajiga 1aad ee caagarinta deegaanka oo lagu beerayo sanadkani 3.8milyan oo geed. Mudane Mustafe muxumed cumar, Madaxwaynaha DDS, ayaa sheegay in qorshaha qaran ee dhir beeristu yahay,mid guud ahaan dalkoo dhan looga beerayo 5 bilyan oo geed, muwaadin kastana looga baahan tahay inuu si wanaagsan uga qayb qaato,maadaama deegaanka soomaalida ay kusoo hagaagtay in laga beero 3.8 milyan oo geed.

Ilaa haatana waxaa gudaha deegaanka soomaalida lagu beeray qiyaas dhan 900,000 oo geed, taasi oo ay qorshaysan tahay in lasii xoojiyo dhirbeerista silooga midha dhaliyo Qorshaha uyaala xukuumada ee ku aadan yagleelida, deegaan ku haboon nolosha bulshada.

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed