Hogaamiye dhaqameedka DDS Maanta Go’aamo soo saaray

Jigjiga (Nogob News) 12/06/2020

Hogaamiye dhaqameedka, garaadada, ugaasyada, salaadiinta iyo caaqilada Degaanka Soomaalida ayaa kulan ku yeeshay Caasimada DDS ee Jigjiga.

Kuankan oo ka qabsoonay holka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee ay kulmeen odayaasha deegaanku ayey uga hadlaayeen 3 qodob oo muhim ah oo ka mid ah marxaladaha haatan taagan. Qodabada ay cuqaashu ka hadleen ayaa waxay kala yihiin:-

(1) Isbadalki ku yimid Golaha fadareshionka dalka taasi oo afhayeenka Golahan loo magacaabay Mudane Aadan Faarax Ibraahin oo ahaa madax wayne kuxigenkii degaanka Soomaalida oo ah markii oogu horayday ee Soomaalidu jagadaasi kagaadho ethiopia.

(2) Dib u dhiga doorashada dalka oo ay sababtay xaalada deg dega ah ee faafitaanka xanuunka COVID 19 taasi oo oydayaasha deegaanku sheegeen inay soo dhawaynaayaan.

(3) iyo in Itoobiya ay xaq u leedahay inay ka faaidaysato biyaha wabiga abay.

Garaad Kulmiye Garaad Msxamed Garaad Dool ayaa odayaasha u fahfahiyey Qodobada kulankan. Odayaasha kulankan ka soo qayb galay ayaa sheegay in xisbigii TPLF uu duudsiyeey xuquuq badan oo Soomalidu lahayd islamarkaasina uu Soomalida ugu yeedhay bahwadaag iyo inay yihiin muwaadniinta labaad ee dalka iyada oo ay Soomaalidu ka mid tahay qoomiyadaha ugu badan Itoobiya

Gabagabadii Sheekh Muxiyadiin ayaa soo soo jeediyey afar qodob oo kulankan odayaasha ka soo baxay. Kuwas oo kala ahaa.

1) In isbadalkii kadib ay Soomaalidu hesho jagooyin muhiim ah ay soo dhawaynaayaan iyo soo dhawaynta afhayeenka Golaha Fadareshinka.

2) Waxay taageero u muujiyiin Go’aankii ahaa in dib loo dhigo doorashooyinka dalka xanuunka COVID19 awgiis wakhti xaadirkana aysan suura gal ahayn.

3) Taageerid ka faaiidaysiga biya xidheenka wabiga Niil. Iyo

4) Soo dhawaynta horumarka aan hada ka hor ka dhicin deeganka.

Mohamed madaale Jigjiga Nogob News Emailka: nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed