200-Gidaar Jiif oo Hayada R.W.F Raashiin Bisil u qeybisay Jigjiga

Jigjiga (Nogob News) 14/06/2020

Nawaal Faysal iyo Sahara-Shaad Faysal waa Laba Hablood oo Kamidda Hablaha Ka soo Jeedda Deegaanka Soomaalida Kana Midda Qurba Joogta Dhawaan Deegaanka Dib Ugu Soo Noqotay.

Waxay Ka Danqadeen Daruufta Nololeed ee Haysta Dadka ay Hayntoodu Liidato iyo Dhalinyaradda La,daalaa Dhacaysa Daruufaha Nololeed, ee Aan haysan meel Ay Gabaad ka dhigtaan dhaxanta Habeenimo iyo Cad Ceeda Maalinimo Midna.

Waxay Cuno Qaybin Raashin Bisil Ay Gaarsiiyeen ugu Yaraan 200, oo Qof oo Dadka Danyarta Ee Gidaarada Jig-jiga hoyga iyo barada u yihiin.

Rise Women Foundation,, oo ah Hay’ada ay Dhawaan Gabdhahani Ka Hirgaliyeen Deegaanka Ayaa wada hawlo samafal oo bilow wanaagsan ah.

Waxayna Nawaal Iyo Sahra-shaad Ka Codsadeen Dawlada iyo Dadka ilaahay wax siiyay inay Dadkooda Tabaalaysan Gacan siiyaan.

Suuqyada iyo Wadooyinka waxaad ku arkaysaa markaad usii Kuur Gashid Qoysas Daruufaysan iyo dhalinyaro Hoy’la,aana kuwaasoo La Daalaa dhacaya Daruufaha Nololeed

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed