27-Milyan Bir Godey iskaashato Shaqo abuur loogu sameeyay

Godey (Nogob News) 14/06/2020

Wafti heer deegaan oo ay hogaaminayaan Wasiirka kuxigeenka xafiiska tababarada, farsamada, xirfadaha Iyo sayniska ee DDS Iyo Maareeye Ku xigeenka wakaalada shaqo abuurka Iyo damaanad qaadka cuntada ee Magaalooyinkab oo kaashanaya gudiga shaqo abuurka Maamulka Magaalada Godey ayaa kormeer iyo qiimayn maalmo qaadatay kusameeyey heerka kafaa’iidaysiga shaqo abuurka dhalinyarada Magaalada Godey.

waxaana sanadkii tagay ee 2011 barnaamijka shaqo abuurka Magaalada Godey ka faaidaystay iskaashatooyin gaadhaya 75 iskaashato oo ka kooban 794 shaqsi.waxaana amaah ahaan loo siiyay aduun lacageed oo dhan 15milyan oo birr.

halka sanadkan 2012 ay ka faaiidaysteen fursadaha shaqo abuurka iskashatooyin dhan 82 oo kakooban 618 shaqsi waxayna dhan tahay lacagta shaqo abuurka loogu sameeyay 12milyan oo birr.

Dhanka kale, dhalinyarta Iyo bulshada shaqo abuurka magaalooyinka loo sameeyey ee Godey ayaa sheegay inay shaqo abuurka ay xukuumadu usamaysay ay siwanaagsan uga faa’iidaysteen.


Waxay masuuliyiintu kulan La qaaten gudiga shaqo abuurka ee Maamulka Magaalada, kaasoo lagu lafa-gurayay caqabadaha jira loo xalin lahaa iyo in fursadaha la haysto sida uga habboon looga faaiidaysto.

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed