Gobolka Shabeelle 2000 hiktar degmooyinka inay beeraan 2020

Jigjiga (Nogob News) 14/06/2020

Wasiir kuxigeenka xafiiska dooxooyinka iyo waraabka DDS iyo gudoomiyaha gobalka shabeele ayaa kulan looga arrinsanayey sidii degmooyinka jiinka wabiga saaran ee gobalka shabeele dhul baaxadiisu gaadhayso 2000 oo hectar looga beeri lahaa waxsoosaarka dalaga beeraha dheeriga ah la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dagmooyinka gobolka shabeele.


Masuuliyiinta kulankan hoggaaminaysay ayaa ku adkaysay hoggaaminta degmooyinka,in qorshaha waxsoosaarka dheeriga ah oo ah jiho xukumadeed inay ka dhabeeyaan, si adagna uga shaqeeyaan taabbo galkiisa.


Dhankooda hogaaminta degmooyinka jiinka wabi shabeele ayaa ballaan qaaday inay qorshahan sideeda uga soo dhalaalayaan.

Mohamed Madaae Jigjiga nogobnews@hotmai.co.uk

Comments are closed