Qabridahare 56 Guryo looga faa’ideyn qoysaska danyarta

Qabridahare (Nogob News) 14/06/2020

Wasiir kuxigeenka xafiiska Madaxweynaha DDS iyo Wasiirka xafiiska hormarinta magaalooyinka iyo dhismaha ayaa siwada jir ah xadhiga uga jaray guryo_wareedyo kuwaasoo fuliyey xafiiska hormarinta magaalooyinka deegaanka ka fuliyay Magaalada Qabridahar.


Guryo wadareedkan ayaa looga faa iidaynayaa qoysaska danyarta ah ee ay hayntooda dhaqaale hoosayso iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee Maamulka Magaalada Qabridahar ee ka howlgala cusbitaalka qabridaher, islamarkaana,

Sida wanaagsan ugu adeega bulshada iyo waliba sidoo kale barayaasha wax kadhiga dugsiyada magaalada qabridahar, kuwaasoo lagu soo xuli doono sida wanaagsan ee ay wax ubaraan ardayda, islamarkaana aan lahayn guryo umadaxbanaan. guryahan maanta xadhiga laga jaray ayaa ka kooban 56 sakadood.

Mohamed madaale jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed