Waxgaradka Gobolka Siti ayaa soo dhaweeyay Magacaabista Aadan Faarax

Jigjiga (Nogob News) 14/06/2020

Waxgaradka gobolka siti ayaa soo dhaweeyey in ay soomaalidu hogaanka uqabato aqalka sare ee federashinka dalka itoobiya ee loon magacaabay mudane Aadan faarax in uu noqdo afhayeenka aqalka sare,taasoo ay ku tilaameen guul usoo hoyatay shacabka deegaanka soomaalida. dhinaca kale,

Waxay hoosta ka xariiqeen in Mudane Aadan faarax ibraahim uu yahay yahay hogaamiye wayn oo dalka sumcad iyo karaamo kuleh sidoo kalana dhinac walba ka dhisan aqoon ,waayo aragnimo ,karti lehna bisayl siyaasadeed oo umada deegaanka usoo hoyn kara sumcad iyo karaamo.

waxayna dhanka kale, gacan buuxda kusoo dhaweeyeen in dib loo dhigo doorashooyinka dalka, maadama lagu jiro xili munaasab aan ahayn oo lagu jiro xili xanuunka corona virus fara kulul kuhayo dalka, doorashana dhici karto marka dadku uu sugan yahay xaalada caafimaad oo aan walaac lahayn.

Comments are closed