Raysal Wasaaraha Ethiopia oo dib ugu laabtay dalkiisa kana hadlay muhiimada shirka Jabuuti


Addisababa (Nogob News) 15/06/2020

Raiisel wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed ayaa maanta soo gabagabeeyey booqashadiisii uu ku joogay Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo uu kaga qaybqaatey dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland.

Dib-u-heshiisiinta oo uu marti galiyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah sii wadista wada hadaladii u fududeeyey Raiisel Wasaare Dr. Abiy Ahmed, sida ay qortay wakaaladda Wararka Ethiopia ee FANA.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in munaasabaddu ay ahayd mid muujineysa muhimadda wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta horumarka gobolka.

Raiisel wasaare Dr Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyay qiimaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka Geeska afrika ay u tahay aasaaska is dhexgalka gobolka.

“Dib u bilawga wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah tusaale fiican oo ku saabsan sii wadida go’aanada hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal, ”ayuu yidhi Dr. Aby.

Comments are closed