Shacabka Gobolka Siti oo ka Faa’ideysanaya wax soo saarka beeraha

Hadhagaale (Nogob News) 15/06/2020

Mudane Maxamed Aadan,Maareeye kuxigeenka Mac-hadka cilmibaadhista DDS,oo ay wehelinayeen Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee Gobolka siti, Mudane Maxamed Maxamuud ,gudoomiye kuxigeenka Dagmada Hadhagaale, Mudane Xasan cismaan iyo Madaxa xafiiska beeraha iyo khayraadka dabiiciga dagmadaasi , Mudane cabdilaahi xasan ayaa soo kormeeray dhul beereed kuyaala qabalaha Gabi ee dagmada Hadhagaale islamarkaana loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan shacabka iyado dalaga kasoo go’ana dawladu kaga iibsan doonto qiimaha suuqa, looguna talagalay in lagu kaydiyo bakhaarada waa wayn ee la lagu kaydiyo raashinada si looga gaashanto cuno yari ka dhalan karta xanuunka corona virus ka awgeed .


Mudane Maxamed Aadan maareye kuxigeenka Mac-hadka cilmi baadhista ayaa bulshada ugu bishaareeyey in waxsoosaarka usoo go’a dawladu ka iibsan doonto ,wuxuuna intaasi kudaray in bulshada laga taageerayo dhinacyada kala duwan ee sida abuurka tayeysan, qalabka beeraha, iyo dhinaca farsamada.


Degmada Hadhagaala ayaa ka mid ah goobaha loo xushay in laga beero waxsoosaarka dheeriga ah ee xukuumada deegaanku uqaadatay jiho ahaanta.

Mohamed Maadale Jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed