Gudiga dhax dhaxaadinta Beelaha Salaxaad & Raaso Maanta kulan ku yeehseen Raaso

RAASO (Nogob News) 17/06/2020

Gudigii isugu jirey culimo aw-diin, odayaal dhaqmeedka, waxgaradka, aqoonyahanada iyo xubno ka socda arimaha islaamka ee deegaanka ay xukumada DDS u xilsaartey xal ka gaadhista nabadaynta aagaa Salaxaad iyo raaso ee Dagmooyinka Baali oo wali ku sugan dagmada Raaso ee Gobolka Afdheer ayaa shir la yeeshay odayaasha, culimo awdiinka iyo waxgaradka dagmada Raaso.

Gudiga isku dhafka ah oo uu hor kacayo wasiir kuxigeenka xafiiska madaxwaynaha mudane C Risaaq Sayid oo uu ku weheliyo agaasinka Waaxda Xalinta khilaafyada ee Xafiiska Nabadgalyada mudane Maxamed Yarow Cusmaan aya shir la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka dagmada Raaso.

Kulaankaas aya waxaa laa isla qaatey in si qoto dheer loo gudo galo isuso dhawaynta bulshada ku nool labadaas dagmo ee shaqaaqooyinku dhex martey bishi hore iyo sidi xal waara oo kama dambays ah looga gaadhi laha.

Sido kale gudigan xalinta aya u soo bandhigay odayaasha dagmada Raaso in ay cid kasta nabadu dan utahay oo ay heeshiska dib u qaatan si dadka dib la isuguso celiyo oo noloshuna caadi kuso noqoto. Cidkasta oo ku nool dagmada Raasona ay ka qayb qaadato walaalaynta isdhexgalka bulshada Raaso iyo Salaxaad.

Dhan kale waxgaradka dagmada raaso aya so bandhigay in ay heeshiiska si buuxda uqaaten kana go’an tahay inay ka qayb qaatan nabadaynta labada bulsho.

Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Madaxawaynaha Mudane C Riisaaq Sayid aya dhankisa sheegey inay bulshadu ayna kala fogayn labada dhinac balse ay jiran dad dana gaar ah leh oo dabada ka riixaya oo labadaas dagmo ka baxsan .

Ugu dambayntiina waxa la isla qaatey gacan buuxdana lagu mujiyay in mudo yar gudaheed lagu soo af jaro shaqaaqoyinki ka dhacay dhul daGaqsimeedka udhaxeeya labadaas dagmo.

Mohamed Madaale RAASO Emailka nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed